Breaking : kooxaha ugu waa wayn europe ayaa ka shiraya sidee ugu mid noqon laahayeen horyaalka Cusub

Breaking : kooxaha ugu waa wayn europe ayaa ka shiraya sidee ugu mid noqon laahayeen horyaalka Cusub loogu magac daray New Super league oo la daah furi doono 2021ka waxaana ka qayb galaya 16-kooxood ugu wayn Europe wuxuna soo afjari doonaa Qaabka haatan ee Cahmpions league sida ay soo warinayso shabakada ”Football leaks” Kooxaha ugu horeeyo waxaa ka mid ah waan 11-kan kooxood

1- Man United
2- Real madird
3- Milan
4- Bayern München
5- Barcelona
6- Juventus
7- Paris
8- Arsenal
9- Chelsea
10 -Man city
11- Liverpool

Shantan kooxood gadaal ayay kaga soo biiri doonaan waa Roma, Inter, Dortmund, Marseille iyo Atletico Madird

F’G Arsenal iyo Man city ayaa i waydii doontaan waan ogahay balse bandhigooda wacan ee  waqtigan ayaa lagu soo qaatay

Uefa godkooda ayaa biyo ugu soo galay Sidee u aragtaa arinkan !?Wararka haatan way iska soo daba dhacayaan koox kasta go’aan bee ka soo saari doontaa Saxiixitaan baa laga sugayaa Fadlan Cinwan kayaga See firts ka dhigo si aan iskula socono Mahadsnid
Sigo fahfasna barnamija so socdo ayaan koso qadan doona insh allha

Advertisements

Kulankii El Calsico ee lagu bahdilay Real Madrid oo Dhibaato Wayn u keenay Mbappe iyo Rabiot….(Sidee wax u dheceen??….SHEEKO YAAB LEH!!)

(France) 01 Nof 2018. Guul daradii foosha xumeyd ay Barcelona ku dhigtay Real Madrid kulankii El Calsico ay kaga adkaatay 5-1 ayaa waxaa shaqadiisa ku waayay tababare Lopetegui, waxayna sidoo kale dhibaato u keentay xiddigaha PSG ee Kylian Mbappe iyo Adrien Rabiot.

Labada laacib ayaa keydka lagu cabay kulankii axada ay kooxdoodu la ciyaartay Marseille kaddib markii ay daawadeen kulanka El Clasico.

Mbappe iyo Rabiot ayaa 25-daqiiqo ka soo daahay kulanka kooxda ee ciyaarta ka hor, maadaama ay dhammeysanayeen daawashada qeybta hore ee kulankii El Clasico.

Tababare Thomas Tuchel ayaana labada laacib ganaax uga dhigay inuu keydka dhigo kulankii ay la yeesheen Marseille.

Neymar ayaa tababare Tuchel ku taageeray go’aanka uu ku ciqaabay labada laacib, kaddib wareysi uu bixiyay ciyaarta kaddib.

ANTI-LIVERPOOL! Jamaahiirta Man City Oo Badalay Xalay Heestii Taageerayaasha Liverpool Ee Finalkii Champions League Iyo Jamaahiirta Liverpool Oo Jawaab Ka Bixiyay

Jamaahiirta kooxda Manchester City ayaa isku dayay in ay xifiltan iyo xamaasad ka dhex abuuraan kooxdooda iyo Liverpool kadib markii ay qaab xun u badaleen heestii caanka noqotay ee taageerayaasha Liverpool ay xili ciyaareedkii la soo dhaafay u samaysteen Champions League gaar ahaan finalkii koobka kooxaha Yurub.

Waxaa jirtay hees aduunka oo dhan caan ka noqotay oo ay taageerayaasha Liverpool ku heesayeen finalkii UEFA Champions League kaas oo ay Reds ugu danbayn guuldaro kala soo laabtay laakiin qaabka ay u badaleen taageerayaasha Man City ayaa sabab u noqotay in ay hadlaan jamaahiirta Liverpool.

Heesta “Allez Allez Allez.” ee kooxda Liverpool ayay jamaahiirta Man City isku dayeen in ay dhinaca kale u rogaan isla markaana ay Liverpool ku duraan laakiin falcelinta jamaahiirta Liverpool ayaa noqotay mid ay markooda ku maadsadeen taageerayaasha Sky Blues.

Jamaahiirta kooxda Man City ayaa markii ay laba daqiiqo oo kaliya socotay ciyaartii Tottenham iyo Man City waxay bilaabeen in ay ku heesaan erayo ay ku badaleen heestii jamaahiirta kooxda Liverpool ee Kiev.

Aan marka hore soo qaadano qaabka ay jamaahiirta Man City u badaleen heestii Liverpool ee “Allez Allez Allez.” iyo qaabka Liverpool ka soo horjeeda ee ay u dhigeen halkan hoose ayaanu idiinku soo turjunay micnaha ay erayo ahaan u dhigeen.

Erayada Heesta Man City ay Ku Badaleen Heestii Hore ee Liverpool:

“Inaad Kiev u kicitintaan

“Guuldarro ku soo dhameysataan

“Taraboonka ku ooysaan

“Dariiqayada la idinku karbaashay

“Ramos uu Salah dhaawacay

“Wax walba dhibane u noqotaan

“Sterling labada koob ku guuleystay

“Dadka Liverpool ay kaliya Fu*ck ku guuleysteen

“Allez Allez Allez.”

Marka kowaad jamaahiirta Liverpool ayaa ku qoslay qaabka ay taageerayaasha Man City iskugu dayeen inay heesta Allez Allez ku heesaan waxayna ku dureen in marka ay heesta bilaabaan ay qayb dhan oo ka mid ah taageerayaashoodu iska aamusayeen.

Waxa kale oo ay taageerayaasha Liverpool tilmaameen in waxa ay ugu yeedheen jamaahiirta plastiga ah ee Man City ay isku dayeen in ay bilaabaan xifiltan dhex mara Man City iyo Liverpool iyaga oo waliba ku dooday in ayna jirin wax xifiltan ah oo ay Liverpool la galayso kooxdooda maadaama oo ay u arkaan koox ay u soo awood sheegteen.

Are city fans really singing about us away at spurs😂😂only took them a 2 minutes in to talk about us

— 🇪🇸 (@jackbirkettlfc9) October 29, 2018

Jack ayaa yiri: “Miyay taageerayaasha City nagu heesayaan iyagoo marti u ah Spurs. Kaliya waxay ku qaadatay 2 daqiiqo inay inaga hadlaan”

City fans literally singing about Liverpool in an away game at Tottenham Hotspurs in London

trying so desperate to create a rivalry where there is none lmao
— Elondras 🇨🇭 (@Elondras) October 29, 2018

Elondras ayaa yiri: “City waxay ku heesayaan Liverpool iyagoo Tottenham martida ugu ah Lonodn. Waxay si aad ah isagu dayayaan inay xafiiltan ka abuuraan meel uusan xafiiltan oolin lmao”

Kaddib Guushii Real Madrid, Lionel Messi Oo Casuumad U Sameeyey Luis Suarez

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa casuumad u sameeyey laacibka ay Barcelona u wada ciyaaraan ee Luis Suarez oo xalay saddexley goolal ah ka dhaliyey Real Madrid.

Lionel Messi oo dusha sare fadhiyey ciyaartan maadaama uu dhaawac kaga maqnaa ayaa waxa uu goob joog u noqday xiddigaha naadigiisa oo sida carruurta ula ciyaaraya Real Madrid oo la moodayey in aanay uba soo diyaargaroobin kulankan iyo weliba in ciyaartooyada sida Toni Kroos, Modric, Gareth Bale iyo Benzema ay tababar maalaayacni ah ku jiraan, haka Sergio Ramos iyo Nacho ay ahaayeen kuwo quudinaya oo kubadda siinaya weeraryahannada Barcelona sida Suarez.

Laacibka reer Brazil ee Marcelo oo ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan Real Madrid qaybtii dambena culays saaray, goolna dhaliyey iyo Raphael Varane ayaa dhaawac lagaga saaray ciyaarta oo aakhirkii ku dhamaatay 5-1 ay si bahdilaad ah Real Madrid kaga baxday garoonka.

Intii aanay ciyaartu dhamaanin, Lionel Messi oo dhoola-caddaynaya marna u sacabo tumaya ciyaartooyda kooxdiisa marka ay gool dhaliyaan ayaa shaashadaha kasoo muuqday, waxaana markii ay dhamaatay uu cusuumad u sameeyey halyeygii ciyaarta oo ahaa Luis Suarez oo saddexley dhaliyey.

Messi ayaa bartiisa bulshada ee Instagram waxa uu soo dhigay farriin kooban iyo hal sawir oo ay sharaab wada cabbayaan Suarez, waxaana uu soo raaciyey qoraal kooban oo uu ku sheegay inuu xiddiga reer Uruguay kula dabbaal-degayo goolashii saddexda ahaa ee uu dhaliyey.

“Waxaanu u dabbaal-degaynaa guusha iyo saddexleyda !!! Hamblayo dhamaantiin” ayuu Messi soo qoray

Si kastaba ha ahaatee, waxay dad badan is weydiinayaan sida ay ciyaartu noqon lahayd haddii uu caafimaad qabi lahaa Lionel Messi oo uu ciyaari lahaa, waxaana qof walba uu sii qiyaasayaa in goolal rikoodh jebis ah loo xambaarin lahaa Real Madrid.

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Liverpool Xasuuqday Red Star Belgrade – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

odobada ugu muhiimsan warka:

Mohamed Salah ayaa labo gool oo taariikhi u ah dhaliyay iyadoo Liverpool ay dib ugu soo laabatay wadada guusha ee Champions League ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda Red Star Belgradeiyadoo kooxda Jurgen Klopp ay hogaanka u qabteen Group C.

Goolasha kale waxaa kala dhaliyay Roberto Firmino iyo Sadio Mane iyadoo xiddiga reer Senegal sidoo kale uu rigoore qasaariyay kulankaan.

Firmino oo u dabaaldegaya goolkii furitaanka

Natiijadaana ayaa ka dhigeysa in Liverpool ay lix dhibcood hogaanka Group C ku qabato iyagoo hal dhibic ka sareeya kooxda Napoli oo barbaro 2-2 kala kulantay PSG. Kooxda Faransiiska ayaa seddexaad ku jirta iyagoo leh afar dhibcood halka kooxda Red Star ay u hooseyso iyadoo leh hald dhibic. Liverpool kulankeeda soo socda waxa ay horyaalka Premier League Sabtida martigelin doontaa Cardiff City. Reds waxa ay dib ugu soo laabaneysaa Champions League 6da November markaasoo ay u safri doonaan Red Star Belgrade iyagoo rajeynaya inay wareega xiga u soo baxaan.

Xiddiga Garoonka

Xherdan Shaqiri (Liverpool).Kubadsameeyaha ayaa door ku lahaa labadii gool ee furitaanka ee Liverpool, waxa uu soo bandhigay aragtidiisa dheer iyo taabashadiisa aadka u fiican. Salah ayaa bogaga hore lagu soo qori doonaa laakiin xiddiga reer Switzerland ayaa wacdarro ka dhigay khadka dhexe isaga iyo Fabinho taasoo keentay in looga sarre joogsado Anfield markii la bedelay ciyaarta oo 22 daqiiqo dhiman.

Qiimeynta Ciyaartoyda

LIVERPOOL: Alisson 6, Van Dijk 7, Gomez 7, Robertson 8, Alexander-Arnold 7, Fabinho 8, Wijnaldum 7, Shaqiri 8, Firmino 7, Mane 7, Salah 8. Subs: Lallana 6, Sturridge 7, Moreno n/a.

RED STAR BELGRADE: Borjan 7, Stojković 6, Degenek 6, Babić 6, Gobeljić 6, Jovičić 6, Krstičić 6, Srnić 6, Ebecilio 5, Ben 5, Boakye 5. Subs: Jovančić 5, Causic 5, Simic n/a.

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Liverpool Xasuuqday Red Star Belgrade – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Q

odobada ugu muhiimsan warka:

Mohamed Salah ayaa labo gool oo taariikhi u ah dhaliyay iyadoo Liverpool ay dib ugu soo laabatay wadada guusha ee Champions League ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda Red Star Belgradeiyadoo kooxda Jurgen Klopp ay hogaanka u qabteen Group C.

Goolasha kale waxaa kala dhaliyay Roberto Firmino iyo Sadio Mane iyadoo xiddiga reer Senegal sidoo kale uu rigoore qasaariyay kulankaan.

Qiimeynta Ciyaarrtoyda
Firmino oo u dabaaldegaya goolkii furitaanka

Natiijadaana ayaa ka dhigeysa in Liverpool ay lix dhibcood hogaanka Group C ku qabato iyagoo hal dhibic ka sareeya kooxda Napoli oo barbaro 2-2 kala kulantay PSG. Kooxda Faransiiska ayaa seddexaad ku jirta iyagoo leh afar dhibcood halka kooxda Red Star ay u hooseyso iyadoo leh hald dhibic.

Liverpool kulankeeda soo socda waxa ay horyaalka Premier League Sabtida martigelin doontaa Cardiff City. Reds waxa ay dib ugu soo laabaneysaa Champions League 6da November markaasoo ay u safri doonaan Red Star Belgrade iyagoo rajeynaya inay wareega xiga u soo baxaan.

Xiddiga Garoonka

Xherdan Shaqiri (Liverpool). Kubadsameeyaha ayaa door ku lahaa labadii gool ee furitaanka ee Liverpool, waxa uu soo bandhigay aragtidiisa dheer iyo taabashadiisa aadka u fiican. Salah ayaa bogaga hore lagu soo qori doonaa laakiin xiddiga reer Switzerland ayaa wacdarro ka dhigay khadka dhexe isaga iyo Fabinho taasoo keentay in looga sarre joogsado Anfield markii la bedelay ciyaarta oo 22 daqiiqo dhiman.